Somaliland oo eedeymo culus u jeedisay Wariye Xasan Galayr oo xabsiga la dhigay

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Wariye Xasan Saleebaan Haaruun (Galaydh), kaas oo ay ku eedeeyeen “faafinta warar been-abuur ah”, hase yeeshee Boolisku ma aysan faahfaahin nooca wararka lagu eedeeyay iyo cidda uu wariyuhu ka faafiyay.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in Wariye Xasan Galaydh wax laga weydiiyay warar uu ku faafiyay warbaahinta, kuwaas oo Boolisku ku tilmaameen kuwo been-abuur ah. Boolisku waxay intaas ku dareen in wariyaha si degdeg ah loo horgeyn doono hay’adaha sharciga.

“Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh), oo ku eedaysan faafinta warar been-abuur ah. Eedaysanaha ayaa wax laga weydiiyey wararka uu warbaahinta ku faafiyey, taas oo uu wax caddayn ah u waayay, waxaana si degdeg ah loogu horgeyn doonaa Hay’adaha Sharciga” ayuu yiri Booliska Somaliland.

Warar soo baxay ayaa sheegay in wariyaha lagu xiray magaalada Gabiley xilli uu halkaasi u joogay howlo shaqo, kaddibna loo soo qaaday magaalada Hargeysa. Galaydh ayaa noqonaya wariyihii labaad ee lagu xiro deegaannada Somaliland muddo ku dhow 15 maalmood gudahood.

Xarigga wariyaha ayaa dhaliyay falcelin xooggan, iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland ay ku baaqeen in si degdeg ah loo sii daayo.

Sidoo kale, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa cambaareeyay xarigga, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo xorriyadda Saxaafadda.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cambaareeyay xarigga, isagoo sheegay in wariye Xasan iyo suxufiyiinta kale loo baahan yahay in loo soo celiyo xorriyaddooda. Xildhibaanku wuxuu xarigga noocan ah ku tilmaamay mid aan loo baahnayn.

Dhanka kale, xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ayaa xukuumadda madaxweyne Cirro ku eedeeyay inay tallaabooyin ka dhan ah warbaahinta qaadday, isaga oo sheegay in la xiray ku dhowaad 50 saxafi.

Somaliland ayaa dhinaceeda weli si faahfaahsan uga jawaabin eedeymahaas, halka Booliskuna ay ku adkeysanayaan in Xasan Galaydh loo horgeyn doono hay’adaha sharciga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed