Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ilaa 2,000 oo askari ay ku biiriso ciidanka caalamiga ah ee xasilinta Gaza, haddii codsi rasmi ah uga yimaado Maraykanka ama Israa’iil sida uu qoray wargeyska The Jerusalem Post ee Israa’iil ka soo baxa.
Cirro ayaa sheegay in Somaliland aysan si iskeed ah ciidamo u dirayn, balse haddii la codsado ay diyaar tahay. Ciidanka caalamiga ah ayaa la qorsheynayaa inuu gaaro ku dhowaad 20,000 askari, iyadoo Uganda, Morocco, Albania, Kazakhstan iyo Kosovo ay ballanqaadeen ciidamo inay diraan. Howlaha ciidanka waxaa ka mid noqon doona sugidda amniga, tababarka booliska Falastiiniyiinta, fududeynta gargaarka iyo ka hortagga in Xamaas dib u soo celiso awooddeeda militari.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland leedahay qiyaastii 25,000 askari iyo 1,500 oo ilaalada xeebaha ah. Wuxuu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu Somaliland u horseeday indhaha caalamka, balse uu sidoo kale abuuray cawaaqib amni iyo cadaadis cusub, gaar ahaan dhinaca Soomaaliya iyo Turkiga.
Sidoo kale, Waxa uu tilmaamay in Turkigu si adag uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ay ka heleen, isla markaana Ankara ay sii xoojisay taageerada militari ee Soomaaliya. Turkiga ayaa saldhig ciidan ku leh Muqdisho, tababara ciidamada Soomaaliya, siiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan, waxaana qoraalku sheegay inuu sidoo kale Soomaaliya geeyay diyaaradaha dagaalka ee F-16.
“Wax walba waxay leeyihiin dhinac taban iyo mid wanaagsan,” ayuu yiri Cirro, isagoo intaas ku daray: “Waxaan samaysannay cadow cusub.”
Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sheegay in Somaliland u baahan tahay hub iyo tiknoolajiyad casri ah, isla markaana taageero amni ka raadinayso Israa’iil, Maraykanka iyo xulafadooda si loo sameeyo isku dheelitirnaan iyo awood ka hortag.
Dhanka kale, wuxuu beeniyay in Somaliland iyo Israa’iil ka wada hadleen adeegsiga dhulka ama hawada Somaliland si weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta Yaman loo qaado, wuxuuna sidoo kale meesha ka saaray wararka sheegaya in Falastiiniyiinta Gaza loo soo rarayo Somaliland.
HBN Online TV + The Jerusalem Post

