Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka hortagga Afduubka.
Hindise-sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa horay u soo maray Golaha Shacabka, kaas oo isna ansixiyay.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, oo kulanka shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in hindise-sharciyeedka uu Golaha ku ansixiyay cod aqlabiyad ah.
Sidoo kale, Sharciga ayaa hadda u gudbaya Madaxweynaha Soomaaliya, si uu u saxiixo, kaddibna waxaa lagu soo saari doonaa faafinta rasmiga ah ee dowladda.
Hindise-sharciyeedkan ayaa noqonaya mid ka mid ah sharciyada uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, iyadoo ay weli horyaallaan hindise-sharciyeedyada kale oo qaarkood ay soo mareen marxaladaha doodda, kuwaas oo la filayo in dhawaan loo codeeyo.
HBN ONLINE TV

