Dabaylo khasaare naf & hanti sababay oo ku dhuftay gobolka Bari

Wararka laga helayo qeybo kamid ah gobolka Bari deegaannada Puntalnd ayaa ku soo warmaya in saacadihii la soo dhaafay ay Dabaylo xooggan oo khasaare sababay ku dhufteen deegaano dhowr ah.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ayaa sheegay in dabeylugu sababeen burbur iyo khasaare baahsan oo soo gaaray guryaha iyo deegaanka.

Dabaylaha oo ku dhuftay Qandala, Kul, Xiriir iyo Ceelkaal ayaa la tilmaamay inay dumiyeen ku dhowaad 20 guri oo ku yaalla deegaanka, kuwaas oo isugu jiray guryo dhisme ah iyo cooshado.

Sidoo kale, xogta aan helnay ayaa sheegtay in Iskuulkii Ceelgaal ay waxyeello xooggan soo gaartay, kadib markii dabayshu burburisay 2 ka mid ah 4 qol oo uu koobnaa, taasi oo keentay in waxbarashadii hakad gasho.

Khasaaraha rayidka soo gaaray ayaa ah 1 qof oo dumar ah oo ku geeriyootay kadib markii gurigeeda uu ku soo dumay. Dabaylaha ayaa sidoo kale xididada u siibay dhir badan oo deegaanka ku taallay.

Gobolka Bari oo awal la tacaalayey xaaladaha nololeed oo aad u adag adkaa ayaa hadda dhexda kaga jira dagaalka ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish oo sanadkii labaad oo xariir ah socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed