Iyadoo marmarsiiyo looga dhigayo la-dagaallanka Daacish, Mareykanka ayaa la sheegay inuu sii xoojinayo joogitaankiisa militari iyo sirdoon ee gobolka Bari ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada istaraatiijiga ah ee Boosaaso, sida ay warbixintan daabacday shabakadda Dropsite ee Mareykanka laga leeyahay. Xarun cusub oo laga dhisayo magaalada ayaa la filayaa inay Washington u suurtageliso inay si toos ah uga fuliso hawlgallada militari ee gobolka, iyadoo sidoo kale ballaarinaysa howlaha CIA-da iyo saameynta ay ku leedahay ciidamada ammaanka ee deegaanka.
Kaabayaasha soo baxaya ayaa muujinaya in joogitaanka Mareykanka uu ka gudbayo duqeymo gaar ah oo lala beegsado kooxaha hubeysan. Boosaaso waxay ku taallaa xeebta Gacanka Cadmeed, oo ah marin-badeed muhiim ah oo isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, iyada oo loo marayo Bab al-Mandab, taasi oo xarunta la qorsheynayo ka dhigaysa meel ku dhow mid ka mid ah marin-biyoodka ugu istaraatiijisan caalamka.
Sida lagu sheegay baaritaan ay sameysay shabakada Drop Site, 5 mas’uul oo ka tirsan ammaanka Puntland ayaa sheegay in Mareykanku si dhab ah uga dhisayo Boosaaso saldhig militari oo cusub, inkastoo si rasmi ah loogu soo bandhigay in la ballaarinayo xarun horey u jirtay.
Go’aanka ayaa kusoo aadaya xilli ay si weyn u kordhay howlgallada militari ee Mareykanka uu Soomaaliya ka fulinayo xilligaan Madaxweyne Donald Trump, iyadoo maamulkiisu si weyn u kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Daacish iyo Alshabaab.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa iyaguna qiray in awoodda cirka ee Mareykanka ay door weyn ka qaadatay wiiqidda Daacish. Hase yeeshee, kaabayaasha hadda la dhisayo ayaa muujinaya in ku lug lahaanshaha Washington uu noqonayo mid sii qotoma, iyadoo ay kamid yihiin goob maxalli ah oo laga fulin karo duqeymaha Mareykanka, ballaarinta joogitaanka CIA-da, ciidamo Soomaali ah oo cusub oo weerarro qaada oo uu Mareykanku maalgeliyo, iyo saldhig militari oo ku dhow Gacanka Cadmeed iyo marinada u dhow Badda Cas.
HBN ONLINE TV

