Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 164 dal oo Qaramada Midoobay u codeeyay qaraar ay Afrika hormuud ka tahay, kaas oo lagu doonayo in wax laga beddelo qaabka khariidadda adduunka loogu muujiyo qaaradaha, gaar ahaan Afrika. Qaraarka oo ay Togo soo gudbisay ayaa helay taageero ballaaran, iyadoo Mareykanku yahay dalka keliya ee ka horyimid, halka 6 dal ay ka aamuseen.
Qaraarka ayaa dhiirrigelinaya adeegsiga khariidado loo yaqaan Equal Earth, kuwaas oo si ka sax ah u muujinaya baaxadda dhabta ah ee qaaradaha. Khariidadda Mercator oo la sameeyay sanadkii 1569-kii ayaa si weyn u ballaarisa dhulalka ku dhow cirifyada, halka ay yareyso muuqaalka dhulalka ku dhow dhulbaraha. Sidaa darteed, Afrika waxay muuqaal ahaan uga yartahay cabbirkeeda dhabta ah marka lagu eego khariidadda Mercator.
Dowladda Togo ayaa muddo dheer hormuud ka ahayd dadaallada lagu saxayo qaabka Afrika loogu muujiyo khariidadda adduunka, iyadoo hindisahaasi ugu dambayn gaaray Qaramada Midoobay. Wasiirka Arrimaha Dibadda Togo, Robert Dussey, ayaa ku tilmaamay tallaabadan arrin la xiriirta caddaaladda aqooneed, sharafta dadka iyo in si sax ah loo fahmo juqraafi ahaan baaxadda qaaradaha.
Soomaaliya oo taageertay hindisaha ayaa tallaabadan ku biirisay dadaallada diblomaasiyadeed ee Afrika ee lagu doonayo in laga gudbo raadadka taariikhiga ah ee gumeysiga.
Sidoo kale, Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa xusay in khariidadaha hadda jira ay yareyn karaan fahamka laga qabo baaxadda Afrika, Latin America iyo Koonfurta Aasiya, taas oo saameyn ku yeelan karta fahamka baahiyahooda horumarineed iyo dhaqaale.
Inkasta oo qaraarku yahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim ah, haddana hirgelintiisu waxay ku xirnaan doontaa in dowladaha, iskuullada, hay’adaha iyo shirkadaha tiknoolajiyadda ay qaataan khariidadda cusub.
Taageerada 164-ka dal ayaa loo arkaa guul diblomaasiyadeed oo Afrika u soo hoyatay, iyadoo Togo ay noqotay dalka hormuudka u ah dadaalka lagu doonayo in qaaradda Afrika khariidadda adduunka loogu muujiyo cabbirkeeda dhabta ah.
HBN ONLINE TV

