Duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Cumaan ayaa maanta oo Khamiis ahayd, dib u bilowday kaddib muddo ka badan 30 sano. Shirkadda diyaaradaha ee Cumaan ee SalamAir ayaa duulimaadkeedii ugu horreeyay ka sameysaysa Muqdisho, iyadoo waddada cusub ay si toos ah isugu xirayso Garoomada Caalamiga ah ee Masqad iyo Aadan Cadde Intertional Airport.
Salam Air oo garoonka Muqdisho lagu soo dhaweeyey ayaa waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka ayaa sheegay in duulimaadyadu ay xoojinayaan isku socodka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo duulista hawada.
Mas’uuliyiinta SalamAir ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka 4-aad ee Afrika ee shirkaddu ka sameyso duulimaadyo, iyadoo waddadan cusub ay rakaabka u fududeynayso inay Muqdisho si toos ah uga safraan Muscat, halkaas oo ay uga sii gudbi karaan dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Aasiya.
Shirkadda SalamAir ayaa sheegtay in duulimaadyada Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshaheeda lagu ballaarinayo howlaheeda Bariga Afrika. Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa tilmaamay in adeeggan cusub uu fududeyn doono safarrada ganacsiga iyo kuwa qoysaska, isla markaana uu gacan ka geysan karo kobcinta xiriirka dhaqaale, ganacsi iyo isku-xirka Soomaaliya iyo Cumaan.
Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee rakaabka labada waddan ay heli karaan fursad ay ku safraan iyaga oo aan garoon 3-aad ka degin, taas oo soo afjartay muddo ka badan 30 sano oo aysan jirin wax xiriir duulimaad oo habkan ah.
HBN ONLINE TV

