Somaliland oo xil-ka-qaadis ku sameysay masuuliyiin ka mid ahaa guddoomiyayaal goboleed

Madaxweynaha Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta soo saaray wareegtooyin isugu jirtay magacaabid, xil-ka-qaadis iyo isku-beddel, kuwaas oo lagu sameeyay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha gobollada iyo mas’uuliyiin kale.

Meelaha isbeddelku saameeyay ayaa kala hoggaanka gobollada Awdal, Baran, Sanaag, Togdheer, Gebiley iyo Xaysimo, iyadoo sidoo kale wax laga beddelay xilalka guddoomiye-ku-xigeennada gobolladaasi.

Xasan Daahir Xaddi-Ciid ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal, isagoo beddelay Cabdirashiid Xasan Mataan, guddoomiyihii hore ee gobolka.

Yaasiin Maxamed Sharma’arke ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Baran, waxaana uu beddelay Cabdisalaam Maxamed Xasan.

Sidoo kale, Maxamed Xasan Faahiye ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Sanaag, iyada oo uu  beddelay Saalax Yuusuf Diiriye Guuleed.

Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa laga dhigay guddoomiyaha gobolka Togdheer, isaga oo beddelay Maxamuud Cali Saleemaan, halka Maxamuud Cali Saleemaan isna loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Gebiley, kadib markii la tilmaamay in lagu beddelay Maxamuud Xasan Saleebaan.

Axmed Maxamed Cali Afyare ayaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Togdheer, isagoo beddelay Saciid Axmed Maxamed Raage, halka isla wareegtada lagu sheegay in Xasan Maxamed Faahiye loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Sanaag.

Dhanka kale, Mukhtaar Maxamuud Jaamac ayaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Xaysimo. Cabdiftaax Yuusuf Ismaaciil, oo ahaa Agaasimihii Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda, ayaa xilka laga qaaday.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sidoo kale Mawliid Cabdi Muuse u magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland, halka Cali Maxamuud Xaaji Dirir loo magacaabay xubin ka tirsan Guddiga Nabadda ee Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed