Dowladda Soomaaliya oo xoogagga Laftagareen ku tilmaantay “Argagixiso”, kadib weerarkii Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa xoogagga taageera madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ku tilmaantay “huwanta argagixisada”, kadib markii ay waaberigii hore ee saaka weerar ku qaadeen magaalada Baydhabo.

War saxafaadeed ka soo baxay wasaaradda gasahaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay xooggan uga hortageen weerarka, kaas oo ku bilowday qaraxyo la doonayay sida hadalka loo dhigay in lagu argagax geliyo shacabka, iyada oo la tilmaamay in khasaare weyn la gaarsiiyey xubnihii saaka soo weeraray Baydhabo.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saaka magaalada Baydhabo ku jabiyey Huwanta Argagixisada oo weerar naf lacaari ah ku soo qaaday magaalada. Ciidamadu waxay si geesinimo leh uga hortageen weerarka oo ku bilowday qaraxyo la doonayey in lagu argagax geliyo shacabka, waxayna jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday” ayaa lagu yiri warka DFS.

Sidoo kale, Dowladda ayaa sheegtay in hadda socdaan howlo lagu qiimeynayo khasaaraha soo gaaray xubnihii weerarka soo qaaday, iyadoo aan weli la shaacin tiro rasmi ah ee dhimashada iyo dhaawaca, halka faahfaahin buuxda la soo saari doono marka la soo gabagabeeyo qiimeynta.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed