WAR DEGDEG AH: Dagaal culus oo Baydhabo ka socda & khasaare ka dhashay

Dagaal culus ayaa aroortii hore ee saaka ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo maleeshiyaad taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka taabacsan Laftagareen ay weerar ku soo qaadeen magaalada, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus iyo mid fudud.

Muuqaalada aan helnay ayaa muujinaya uuro xooggan oo cirka isku shareertay, taasi oo dad goobjoogayaal ah ku sheegeen inay ka dhalatay qarax, balse si rasmi ah looma oga khasaarah ka dhashay.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay dagaalka, hase yeeshee weli lama xaqiijin khasaaraha guud ee ka dhashay iska horimaadka.

Sidoo kale, Xiisadda Baydhabo ayaa soo jiitamaysay muddooyinkii dambe, kaddib khilaaf ka dhashay doorashadii maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo Laftagareen uu dhowr jeer sheegay inuu dib ula wareegayo magaalada Baydhabo.

Todobaadkii hore, Maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Laftagareen ula dagaallami doonaan sida Alshabaab, kadib markii ay galkooda ku dareen waxay ugu yeereen “la midoobidda Khawaarij”, ayna khalkhal amni ku hayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Maamulka cusub ayaa sheegay in aan loo ogolaan doonin qof ama koox inay khalkhal geliyaan amniga Koonfur Galbeed, ayna qaadi doonaan tallaabooyin adag.

Dhanka kale, Laftagareen ayaa horey beeniyay inuu jiro xiriir u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada taabacsan ee ku sugan duleedka Baydhabo, isaga oo ujeeddada ku sheegay in ay tahay in dadka Koonfur Galbeed ka dulqaadaan waxa uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed