Xarunta Maareynta Xogaha Puntland ayaa maanta soo saartay bayaan laba bog ka kooban oo ay kaga hadashay xaaladdaha saadaasha roobabka xilliga Deyrta ee sanadkan 2026, taasi oo soconaya 3-da bil ee soo socda, iyadoo sheegtay in inta badan deegaanada maamulka laga filayo roobab ka badan heerka caadiga ah.
Puntland waxay sheegtay in bilaha Oktoobar ilaa Diseembar ay yihiin kuwo dadku wajihi doonaan xaalado culus, iyada oo loo kala saaray 3 heer marka ay roobabku di’ayaan.
Saadaasha ay soo bandhigtay Xarunta ayaa tilmaamaysa in deegaano ay kamid yihiin Burtinle, Galdogob, Gaalkacyo, Garowe, Dhahar, Taleex, Xudun, Laascaanood, Qardho, Badhan iyo Bandarbeyla ay leeyihiin 65% suurtagalnimo ah inay helaan roobab ka badan celceliska caadiga ah xilliga Deyrta sanadkan.
Sidoo kale, deegaanada Boosaaso, Qandala, Ufayn, Rako-Raaxo, Dongoroyo, Caluula, Eyl iyo Balli-dhidin ayaa la filayaa inay helaan roobab ka sarreeya caadiga, iyadoo saadaashu siinayso 55% suurtagalnimo. Si kastaba, qaybo kamid ah Puntland ayaa wajahaya xaalad qallalan.
Sidoo kale, Xaruntu waxay sheegtay in deegaanada Ceerigaabo, Laasqoray iyo qaybo kamid ah Iskushuban aan laga filayn roobab wax-ku-ool ah.
Dhanka kale, heerkulka inta badan deegaanada Puntland ayaa la saadaaliyay inuu ka sarreeyo celceliska sannadihii hore, iyadoo suurtagalnimadaasi 90% gaareyso.
Saadaasha ayaa sidoo kale muujinaysa in El Niño ay door caqabaha jira qeyb ka tahay, iyadoo la qiyaasayo 81% suurtagalnimo ah inay noqoto dhacdo aad u xooggan, taas oo saameyn ku yeelan karta roobabka iyo heerkulka Geeska Afrika.
Puntland ayaa ku baaqday in la xoojiyo u-diyaargarowga hore, gaar ahaan nidaamyada digniinta, ka hortagga fatahaadaha, ilaalinta kaabayaasha, maaraynta biyaha iyo taageerada xoolo-dhaqatada, kalluumaysatada iyo beeralayda, iyadoo maamulka, hay’adaha iyo bulshada loogu baaqay inay xoojiyaan wada-shaqaynta.
HBN ONLINE TV

