Turkiga oo markii ugu horreysay shaaciyay tirada ciidamada Haramcad ee uu tababaray Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada qeyb ka mid ah ciidamada Gaarka ah ee Haramcad ee u ay tababartay Soomaaliya, iyada oo sheegtay in in ka badan 1,000 askari oo ka tirsan cutubkan ay soo mareen tababarrada ay bixiso Ankara.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktas, oo ka hadlayay shir looga hadlayay amniga gudaha Soomaaliya oo Muqdisho ka socday, ayaa sheegay in Turkigu uu sii wado tababarka cutubyo gaar ah oo ka tirsan Ciidankan Haramcad iyo kuwa Gorgor.

“Cutubyada gaarka ah ee Gorgor ayaa weli si geesinimo iyo adkaysi leh ula dagaallamaya kooxaha Argagixisada” ayuu yiri Safiir Aper Aktas.

Wuxuu intaasi ku daray in Marka laga soo tago cutubyada Gorgor ay wadaan tababarka cutubyada gaar ah ee Ciidanka Booliska Haramcad.

“Ilaa hadda waxaa la tababaray in ka badan 1,000 askari, waxaana ku faraxsanahay inaan aragno iyagoo door weyn ka qaadanaya wax ka qabashada khataraha amni ee ka jira magaalooyinka” ayuu yiri markale Safiirka Turkiga.

Sidoo kae,  wuxuu xusay in Turkigu uu kordhiyey taageerada dhinaca hawada ee uu siiyo  Soomaaliya, si loogu garab istaago howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

“Iyadoo ay codsadeen walaalaheen Soomaaliyeed, waxaan kordhinay taageerada dhinaca cirka ee aan Soomaaliya siino, si ay u garab istaagto howlgalada ka socda goobaha dagaalka. Waxaa sidoo kale dhiirrigelin leh in taageeradan ay durba wax ka beddeshay dadaallada lagula dagaallamayo Argagixisada” ayuu sii raaciyey hadalkiisa

Hadalka safiirka ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo dowladda Turkiga ay si rasmi ah u sheegto tirada ciidamada Haramcad ee ay tababartay, iyadoo taageerada Ankara ay sidoo kale qeyb ka tahay iskaashiga amni iyo difaac ee labada dal.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed