Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Belgrade ee dalka Serbia maanta kaga qeyb galay Shirka dalalka Dhex-dhexaadka ah, halkaas oo uu ku soo bandhigay sida ay madaxtooyadu sheegtay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo kuwa guud ahaan dunida ka jira.
War saxaafadeedka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in khudbadda madaxweyne Xasan uu kaga hadlay caqabadaha amni ee ay wajahayso Soomaaliya, kuwaa oo ay ka mid yihiin dagaallada waxa loogu yeero argagixisada iyo khataraha kale ee saameeya xasilloonida dalka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xaaladahaasi ay u baahan yihiin iskaashi iyo taageero caalami ah.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka kaga hadlay xaaladda guud ee dunida, isagoo xusay in colaadaha, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu ay yihiin caqabado u baahan in dalalku si wadajir ah uga shaqeeyaan.
Wuxuu intuu ku jiray hadal jeedintiisa uu sheegay in Soomaaliya dadaal ku bixisay xasillinta, dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Dhex-dhexaadka ah, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida, midnimada dhuleed, caddaaladda, sinnaanta iyo xallinta khilaafaadka.
HBN ONLINE TV

