Madaxweynaha Soomaaliya oo shir caalami ah uga qaybgalaya Serbia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo galinkii dambe ka degay magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia ayaa lagu casuumay inuu ka qayb galo munaasabadda xuska 65-guurada ka soo wareegtay shirkii ugu horreeyay ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka aan Isbahaysiga ahayn. Shirka ayaa la filayaa inuu ka qabsoomo Serbia 1-da September oo berri ku aadan.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalaya madax sare oo ka kala socda dalal saaxiib la ah Serbia, waxaana lagu casuumay 4 madaxweyne iyo 3 ra’iisul wasaare. Kahor furitaanka shirka, madaxda martida ah ayaa la filayaa inay kulamo gaar-gaar ah la yeeshaan hoggaanka sare ee Serbia, iyadoo diiradda lagu saarayo xiriirrada laba geesoodka ah iyo arrimaha gobolka oo ay dheer tahay tan caalamka.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Serbia, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaasi, Mudane Aleksandar Vučić, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo danaha labo geesoodka ah ee labada waddan”.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa sanadihii u dambeeyay xoojiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dhinac, iyadoo labada dal ay is dhaafsadeen safiirro.

Sidoo kale, Xiriirka Muqdisho iyo Belgrade ayaa ku fiday dhinacyada siyaasadda, amniga iyo difaaca, iyadoo mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ay dhowr jeer booqdeen Serbia.

Dowladda Serbia ayaa Soomaaliya ka taageertay dhinaca tababarka ciidamada, gaar ahaan ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya madaxda qaranka iyo xarumaha muhiimka ah. Iskaashigan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku dhisanayso ciidamo awood u leh inay si madax-bannaan u gutaan waajibaadka amniga, iyadoo hoos loo dhigayo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

Labada dal ayaa sidoo kale leh heshiisyo la xiriira difaaca iyo horumarinta awoodda ciidamada, waxaana mas’uuliyiin Soomaaliyeed ay horey u booqdeen xarumaha Serbia ee farsameeya hubka iyo gaadiidka ciidamada.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed