Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ee Somaliland ayaa maanta shaacisay in xukun ku ridday 8 qof oo lagu helay eedeymo la xiriira musuq-maasuq, lunsi iyo ku-takri-fal hanti, sida uu sheegay Xafiiska Hanti-dhawrka Somaliland.
Xafiiska Hanti-dhawrka ayaa sheegay in dacwadda loo gudbiyay Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-Jeex, kadib markii baaritaanno lagu sameeyay eedeymaha loo haystay 8-da qof—Hase yeeshee, Xafiisku ma shaacin magacyada dadka la xukumay, hay’adihii ay ka tirsanaayeen iyo inta ay gaarsiisan tahay mudada xukunka.
Sidoo kale, Hanti-dhawrka Guud ayaa xusay in xukunkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ilaalinayo hantida Somalialnd, isla markaana cid kasta oo lagu helo ku-takri-falka hantida lala tiigsan doono sharciga.
Ugu dambeyn, Xafiiska ayaa carrabaabay in muhiimad ay leedahay isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, xili uu sheegay in uu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta hantida.
HBN ONLINE TV

