Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay qorshe wax looga qabanayo xaaladaha iyo cabashooyinka dadka ay saameeyeen howlaha burburinta iyo ka saaridda dhulka danta guud ee dowladda, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay gacanta ku hayso in ka badan 1,000 boos oo dhulal ah, kuwaas oo maamulka u iibiyey dadka ay saameeyeen waxa uu ugu yeeray “howlaha jid-bixinta” Muqdisho.
Dhulalkan ayaa si lacag-la’aan ah loogu wareejinayaa sida guddoomiye Muungaab sheegay qoysaska ay guryahoodu ku soo aadeen jidadka laga bixinayo xaafadaha isku-raranka ah oo Muqdisho looga yaqaan “Owbasiibooyinka”.
Muungaab oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, oo dhanka waqooyi kaga beegan duleedka Caasimadda, ayaa sheegay in qorshahan dib-u-dejinta la sii ballaarinayo. Wuxuu tilmaamay in dhulal cusub laga iibin doono degmooyinka Daarusalaam, Kaxda iyo Garasbaaleey, si qoysas kale loogu sameeyo dib-u-dejin.
“Kunkaan boos waxaa la sii doonaa oo loo cabiri doonaa dadka danta yar ee ay saameysay dib-u-habaynta ‘Owbasiibooyinka’ magaalada Muqdisho iyo dhulalka danta guud. Dadkaasi ayaa loo cabiri doonaa oo la siin doonaa,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in howlaha dhulalka Muqdisho ee maamulka gobolku wado aysan la xiriirin wax carqaladeyn bulsho ah iyo dadka oo laga barakiciyo guryahooda.
“Waxa socda ma aha burburin iyo barakicin, ee waa dib-u-habayn iyo dib-u-dejin,” ayuu mar kale yiri.
Dhanka kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe kale oo lagu dhisayo 10-kun oo guri oo loogu talagalay shacabka, inkastoo wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta aysan weli ka hadlin qorshahaasi iyo xilliga la hirgelin doono.
HBN ONLINE TV

