Warar dheerad ah oo soo baxaya ayaa sheegay inay si buuxda ay ciidamada dowlada Soomaaliya ay maanta ula wareegeen aagag ku dhow deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo maalmo ay ka socdeen dagaallo toos ah iyo duqeymo lagu beegsanayay kooxda Alshabaab.
Deegaanka Basra oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira Muqdisho ayaa muhiim u ah amniga caasimadda, waxaana ciidamada dowladda ay halkaasi ka wadaan sida xogaha hordhaca ay sheegayaan howlgallo culus oo ka dhan ah Alshabaab.
Dagaal ka dhacay jiinka Webiga Shabeelle, gaar ahaan deegaannada Baldooska iyo Alifoow oo hoostaga deegaanka Basra ayaa sida ay sheegeen ciidamada Haramcad lagu dilay Cabdinaasir Farey oo lagu tilmaamay madaxii deegaanka ee kooxda Alshabaab iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa. Nuuca xil ee uu haayey si rasmi ah Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya war ugama soo saarin.
Sidoo kale, Aaggan ayaa lagu tilmaamaa qeyb ka mid ah qorshaha difaaca caasimadda ee loo yaqaan Qaansada. Dagaalka ayaa la soo wariyey in Alshabaab uu ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhawaac, iyada oo xogaha xordhaca ah ee la soo bandhigay ay muujinayaan in kooxda halkaasi u ahayd goob dadka beeralayda ah lacago kaga qaadi jirtay.
Ciidamada ayaa la tilmaamay inay sii wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaanka, iyadoo dowladda ay sheegtay inay ka go’an tahay in Alshabaab laga saaro deegaannada ku dhow caasimadda.
HBN ONLINE TV

