Maamulka Koonfur Galbeed oo Madaxweyne hore Laftagareen ku eedeeyay inuu ku biiray Alshabaab

Koonfur Galbeed oo Laftagareen iyo ciidamadiisa ku eedeysay inay ku biireen Al-Shabaab

Golaha Wasiirrada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa mar kale ku eedeeyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, in ciidamada taabacsan ay ku biireen kooxda Alshabaab, isla markaana ay isku deegaanno ku sugan yihiin. Golaha ayaa sheegay in arrintani khalkhal amni ku hayso deegaannada Koonfur Galbeed.

Golaha Wasiirrada oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Baydhabo, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ciidamada Laftagareen iyo kuwa Alshabaab si isku mid ah loola dhaqmi doono.

Bayaanka ka soo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirradu ay falanqeeyeen wareysi uu bixiyay Laftagareen, kaas oo uu ku sheegay in ciidamadiisa iyo kuwa Alshabaab ay si nabad ah ugu wada sugan yihiin goobaha ay joogaan. Golaha ayaa hadalkaas ku tilmaamay caddeyn muujinaysa iskaashi labada dhinac ah.

Sidoo kale, Golaha ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday Laftagareen iyo maleeshiyaadka uu hoggaamiyo inay yihiin, sida uu maamulka sheegay, koox argagixiso ah oo ku biirtay lana midoobay Alshabaab sida uu hadalka u dhigay. Maamulka ayaa sheegay in go’aanka lagu gaaray kadib markii si qoto dheer loo qiimeeyay hadallada iyo caddeymaha la xiriira iskaashiga labada dhinac.

Dhanka kale, Laftagareen ayaa dhawaan beeniyay inuu jiro xiriir u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada taabacsan ee ku sugan duleedka Baydhabo. Wuxuu sheegay in ujeeddada ciidamadiisu tahay inay dadka Koonfur Galbeed ka dulqaadaan waxa uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi. Golaha Wasiirrada ayaa dhankooda sheegay in aan loo ogolaan doonin qof ama koox inay khalkhal geliyaan amniga Koonfur Galbeed, ayna qaadi doonaan tallaabooyin adag.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed