Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe in lagu dilay Madaxii Guud ee Sirdoonka Alshabaab, iyadoo lagu beegsaday xubno kale oo sare oo kooxda ka tirsanaa.
War saxafaadeed kooban oo goordhow ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegtay in howlgalkan iyada oo la kaashanayo saaxiibada caalamka lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Labajir (Ikhlaas), oo ahaa Madaxii Guud ee Sirdoonka ee Kooxda, kaasi oo ku sugnaa degmada Jilib.
Howlgalka ayaa la tilmaamay in uu dhacay 23-kii bishaan Agoosto 2026, iyadoo lagu beegsaday xubno ka tirsan hoggaanka sare ee kooxda.
Sida ay hay’addu sheegtay, Ikhlaas ayaa xilka madaxa sirdoonka Alshabaab hayay tan iyo 2013-kii, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha ugu muhiimsan ee hoggaanka sare ee kooxda.
Hay’adda ayaa tilmaantay in Ikhlaas uu door muhiim ah ku lahaa howlaha sirdoonka iyo qorsheynta falalka kooxda, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah saraakiisha ay dowladdu sida weyn u raadineysay.
NISA faahfaahin dheeraad ah kama bixin nooca howlgalka iyo cidda caalamiga ah ee ka qeyb qaadatay, balse waxay sheegtay inuu ahaa howlgal si wadajir ah loo qorsheeyay──loona fuliyay. Waxay sheegtay in ay soo wado xogta Ikhlaas, ayna bixin doonto dad kale ee lala dilay.
Dilka Ikhlaas ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay waddo howlgallo milatari iyo sirdoon oo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab, gaar ahaan bartilmaameedsiga madaxda iyo xubnaha muhiimka ah ee kooxda.
HBN ONLINE TV

