Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ka howlgala Soomaaliya ay si buuxda uga bixi doonaan dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2027. Taliyaha Ciidanka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in maalintaas uu si rasmi ah u soo dhammaan doono joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, kaddib ku dhowaad 20 sano oo ay qeyb ka ahaayeen howlgallada amniga.
General Kainerugaba, oo ah wiilka Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 1-da Agoosto 2027 aysan Soomaaliya ku sii jiri doonin wax ciidamo Uganda ah. Hase yeeshee, illaa hadda Madaxtooyada Uganda si rasmi ah uma aysan xaqiijin ama taageerin hadalka taliyaha.
Sidoo kale, Warbaahinta Soomaaliya iyo Uganda ayaa tabisay in Madaxweyne Museveni uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo la sheegay inuu dalbaday in la xalliyo khilaafaadka gudaha dalka. Wararka ayaa sheegay in haddii aan xal laga gaarin ay Uganda ka fiirsan karto inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.
Uganda ayaa ahayd dowladdii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee ciidamo u soo dirta Soomaaliya, iyada oo ciidamadeeda ay markii ugu horreysay yimaadeen dalka bishii Maarso 2007-dii, xilligii howlgalka AMISOM. Ciidamadu waxay markii dambe ka tirsanaayeen ATMIS, halka hadda ay ku jiraan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Kampala waxay hadda mas’uul ka tahay Fadhigga 1-aad (Sector One) ee AUSSOM, oo ay ku jiraan gobolka Banaadir iyo qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose. Haddii qorshaha bixitaanka la fuliyo, wuxuu saameyn ku yeelan karaa howlgalka Midowga Afrika iyo dadaallada amniga Soomaaliya.
Howlgalka AUSSOM ayaa xilli adag wajahaya, gaar ahaan kadib markii Mareykanku joojiyay maalgelintii iyo taageeradii saadka ee UNSOS, hay’adda muhiimka u ah sahayda ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
HBN ONILNE TV

