Shir looga hadlay sugidda amniga Badaha geeska Afrika oo Soomaaliya & Itoobiya kaga qeyb galeen meel dalalkooda ka baxsan

Dalka Kenya ayaa martigeliyay mas’uuliyiin dhinaca amniga ah oo ka kala socday Soomaaliya, Itoobiya, Yemen iyo Jabuuti, kuwaas oo yeeshay kulan goboleed looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo fulinta sharciga badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xilli ay gobolka kusii kordhayaan khataraha amni iyo xiisadaha juqraafi-siyaasadeed.

Kulanka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa fududeeyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), iyadoo taageero laga helayay Midowga Yurub, INTERPOL, Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha IMO iyo IGAD. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray wadaagista xogta, isku-duwidda iyo iskaashiga dalalka gobolka, si looga hortago khataraha badda ee dal keliya uusan si wax-ku-ool ah u maareyn karin.

Sidoo kale, Mas’uuliyiintu  waxay sheegeen in kulanku ku soo beegmay xilli xiisadaha ka jira qaybo ka mid ah Bariga Dhexe ay saameyn ku yeelanayaan amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo ka tirsan Hay’adda Badaha Jabuuti ayaa sheegay in weerarrada saameynaya xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz ay khatar ku noqon karaan amniga Gacanka Cadmeed, isaga oo xusay in burcad-badeeddu ay ka faa’iideysan karaan mashquulka ciidamada badda ee caalamka.

Mostafa Elbanna, oo ah isku-duwaha gobolka ee UNODC ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa sheegay in gobolka uu wajahayo caqabado badan oo isku xiran la’aan jirta, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha kala duwan ay si joogto ah uga wada hadlaan khataraha iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Ajandaha kulanka waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday burcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, tahriibinta dadka iyo daroogada.

Dhanka kale, Ka-qaybgalka Itoobiya oo su’aal laga keenay ayaa waxaa ku matalayey Kabtan Kibru Mesfin oo ka tirsan Hay’adda Badaha Itoobiya, kaasi oo sheegay in inta badan ganacsiga Itoobiya uu maro dalka Jabuuti, taasi oo amniga marinnada badda ka dhigaysa arrin muhiim u ah dhaqaalaha dalkiisa. Waxa uu ku baaqay in la xoojiyo xiriirka hay’adaha badda, ilaalada xeebaha iyo laamaha ammaanka, lana sameeyo nidaamyo mideysan oo lagu wadaago xogta badda.

Ka mid ahaanshaha Itoobiya ayaa falanqeeyayaasha wax iska waydiinayaan, maadaama Eritrea oo ah dal muhiim ah oo xeeb ku leh Badda Cas aysan ka mid ahayn ka-qaybgalayaasha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed