Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa la soo wariyey in saacadihii lasoo dhaafay afduubteen ugu yaraan saddex qof, oo ay ku jiraan hooyo iyo gabadheeda, kaasi oo ka dhacay deegaanka Warciise ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dadka la afduubtay ayaa kooxdu ula baxsatay dhulka howdka ah sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Alshabaab ayaa dadkaasi ku eedeysay sida xogtu sheegayso inay basaasiin u ahaayeen Dowladda Soomaaliya, kadib duqeyn culus oo dhawaan ka dhacday Warciise, taas oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda. Dadka lagu dilay waxaa ka mid ahaa Axmed Cali Jimcaale iyo Geedi Maxamed Nuur Cadde.
Sidoo kale, ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolka ayaa dowladda dhexe ka dalbaday inay ka taageerto howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ay ka wadaan Shabeellaha Dhexe. Waxay sheegeen inay u baahan yihiin garab iyo taageero dheeraad ah.
Macawiisleyda ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo khasaare lagu gaarsiiyey kooxda ka waday Shabeellaha Dhexe, iyagoo beegsaday xarumo ay Alshabaab ku sugnaayeen.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu wiiqayo sida dowladdu sheegtay awoodda kooxda, laguna burburinayo horjoogayaasheeda iyo shabakadaha ay u adeegsato abaabulka weerarrada.
HBN ONLNE TV

