Dalka Kenya ayaa lagu wadaa inuu martigeliyo mas’uuliyiin dhinacyada amniga ah oo ka kala socda Soomaaliya, Itoobiya, Yemen iyo Jabuuti, kuwaas oo ka wada hadli doona xoojinta iskaashiga dhinaca badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xilli ay gobolka kusii kordhayaan khataraha amni iyo xiisadaha juqraafi-siyaasadeed.
Kulanka oo cinwaankiisu yahay “Dalalka Badda Cas oo xoojinaya iskaashiga badda, iyadoo ay kordhayaan khataraha gobolka”, ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo sidii dalalka gobolka ay si wadajir ah uga hortagi lahaayeen caqabadaha amniga badda ee aan hal dal kaligiis si wax-ku-ool ah u maareyn karin.
Hase yeeshee, ka-qaybgalka Itoobiya ayaa su’aalo ka dhex dhaliyay falanqeeyayaasha, gaar ahaan maadaama Eritrea, oo ah dal muhiim ah oo xeeb ku leh Badda Cas, aysan ku jirin dalalka ka qaybgalaya kulanka.
Sidoo kale, Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in Soomaaliya iyo Jabuuti ay Itoobiya kala hadli doonaan arrimo ka ballaaran amniga badda, oo ay ku jiraan damaca Itoobiya ee helitaanka marin-badeed iyo saameyntiisa amniga gobolka.
Kadib burburkii heshiiskii Itoobiya ay ku doonaysay in Badda cas galangal ku yeelato ee Somaliland, dhowr jeer Addis Ababa ayaa dhexda u xiratay qaabkii ay ku gaari lahayd marinkan oo ay ku sheegtay iin uu badbaado u yahay Malaayiinta ruux oo Itoobiyaan. Waxay intaas ku dartay in aanu dalkeeda sii xirnaa karin isha ugu weyn caalamka iyo dhaqaaqa xorta ah ee Badaha.
Itoobiya ayaa ka mid ah tobanaan dal oo aan bad lahayn, kuwaa oo ku tiirsan dowladaha dhanka Marinada biyaha ka xiga.
HBN ONLINE TV

