Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horreysay si cad dowladda Turkiga ugu eedeysay duqeymo diyaaradeed oo dhowaan ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal, kuwaas oo tiro ka badan 10 ruux lagu dilay.
Wasiir-ku-xigeenka Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, oo ka hadlay dhacdooyinkii dhimashada sababay ee ka dhacay gobolka, ayaa xaqiijiyay in maamulka Puntland uu Türkiye u arko masuulka ka dambeeyay duqeymaha laga fuliyay agagaarka goobta ay burcad-badeedda Soomaalidu ku hayaan markabka ganacsi ee la afduubtay M/V Lutuf. Wuxuu ku dooday in maamulka uu hayo caddeymo ku filan oo la xiriira dhacdooyinka duqeymaha.
“Ciidamada Turkiga ayaa aan ku eedeynaynaa oo Markab looga haysto biyaha Puntland oo dad ku laayey xeebaha Puntland. Anagu Burcad badeed waa la dagaallamaynaa, ciddii la dagallamaysane waa soo dhawaynaynaa, laakiin dadkaasi waxaan aaminsanahay si qaldan in loo dilay” ayuu yiri Wasiir Dujaana.
Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga qeyb qaadatay, sida uu hadalka u dhigay, oggolaanshaha iyo isku-dubbaridka duqeymahaas, inkasta oo aan cadeyn rasmi ah soo bandhigin.
Wasiirku wuxuu sidoo kale ku eedeeyey in dib u soo laabashada burcad-badeedda ay kaalin ku leeyihiin dad badan oo dibadda jooga, kuwaas oo aqoon u leh GPS-ka, isla markaana u fududeeya kooxahan inay si sahlan u helaan xogaha maraakiibta marka ay ka soo baxayaan dalalka dibadda ah. Wuxuu carrabaabay in ay jiraan dad wata kombuyuutarro iyo agab lagula socda socdaalka maraakiibta.
Ilaa hadda, Dowlada Soomaaliya kama aanay jawaabin eedeymaha kaga maamulka Puntland eek u aadan in Dowladda Turkigu masuul ka ahayd duqeymihii ka dhacay Puntland.
Gobolka Nugaal, 18-kii bishaan Agoosto ayaa duqeyn ka dhacday deegaan xeebeedka Suuj ee degmada Dangorayo waxaa la sheegay in lagu dilay 4 qof, halka 4 kalena lagu dhaawacay. Dadka dhintay ayaa la sheegay inay saarnaayeen doon yar, waxaana meydadkooda laga helay doonida oo ku soo caarisay xeebta Suuj, sida uu sheegay qof deegaanka ku sugan.
Shan maalin kadib, dhacdo la mid ah tii hore oo ay ku dhinteen ilaa 7 qof oo la socday doonta ayaa la sheegay inay ka dhacday deegaanka Argeegto ee hoos taga degmada Godobjiiraan ee isla gobolka Nugaal.
Sidoo kale, Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in goobta lagu hayo markabka Lutuf oo la sheegay inuu u rarnaa dalka Turkiga, isla markaana ay gacanta ku dhigeen burcad-badeed.
HBN ONILNE TV

