Shir maant ay yeesheen Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta la sheegay in looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa la tilmaamay in diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dadaallada dowladda ee lagu wajahayo Alshabaab.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay 2 heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Muritaaniya, kuwaas oo kala ah heshiis ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed iyo heshiis ku saabsan iskaashiga barnaamijka tababarka diblomaasiyadda.
Heshiisyadan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarka diblomaasiyiinta iyo wadatashiyada siyaasadda.
HBN ONLINE TV

