Koonfur Galbeed oo bilaabay qorshe lagu adkeynayo ammaanka magaalada Baydhabo & hareerahada

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa awaamiir adag oo lagu xoojinayo amniga magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran, xilli magaalada iyo hareeraheeda ay muddooyinkii u dambeeyay ka dhaceen dagaallo iyo weerarro kala duwan.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta booqday ciidamada xoogga & kuwa maamulka ee ku sugan furimaha laga ilaaliyo magaalada Baydhabo. Intii uu booqashada ku jiray, madaxtooyada Koonfur Galbeed sheegtay in hoggaamiyuhu uu ka dhageystay ciidamada warbixinno ku saabsan xaaladda amni iyo howlaha ay ka wadaan furimaha hore.

Aadan Madoobe ayaa ciidamada ku faray inay adkeeyaan sugidda amniga Baydhabo, isaga oo la tilmaamay in uu ku ammaanay  talaabooyinkii kaga hortageen weerar ay Alshabaab maalmo ka hor ku qaadeen magaalada. Wuxuu sheegay in ciidamada ay laf-dhabar u yihiin amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu muhiimad gaar ah siinayo tayeynta iyo taageerada ciidamada ku sugan furimaha iyo goobaha muhiimka u ah amniga, waxaana Booqashadiisa lagu sifeeyey mid la xariirta dadaallada lagu xoojinayo amniga Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo mudnaanta la siinayo ilaalinta shacabka iyo xasilloonida.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed