Wasiirka Horumarinta iyo Afrika ee UK, Kirsty McNeil oo saacadihii la soo dhaafay kulan la qaadatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay diiradda lagu saaray fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo UK, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo arrimaha muhiimka u ah labada dal.
Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa sheegtay in labada dhinac ay wada adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga hirgeliyo wada-hadalo siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo xoojiyo amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka.
Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo arrimaha khilaaf ee doorashooyinka Soomaaliya uu gaaray meel xaasaasi ah, ayna dhinacyadu weli isku fahmi la’yihiin habka loo qabanayo doorashooyinka guud ee dalka.
HBN ONLINE TV

