Wasiirka gaasaandhigga Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalo mucaaradka ka soo yeeray oo la xiriira ciidamada xoogga dalka…………

Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka si carro leh kaga jawaabtay eedeymo ay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood u jeediyeen ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo ay ku dhaliileen in laga weeciyay sida ay hadalka u dhigeen howlihii loogu talagalay ee la dagaallanka Alshabaab.

Wasiirka ayaa hadallo adag ku weeraray madaxda mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay dhaliilayaan ciidamada dowladda xilli ay weli ku howlan yihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Fiqi wuxuu sheegay in dhinacyada mucaaradka ee wax ka sheegaya Ciidamada xooggaa ay deegaannada ay matalaan weli haystaan sida uu hadalka u dhigay kooxda Alshabaab.

“Nimanka Ciidankeena daba dhigtay ee mucaaradka ah, ceebbey ku sugan yihiin, Tuullooyinkoodii Alshabaabaa haysta ciidankane waa caynayaan. Waa ceebeysan yihiin” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in xaaladda amni ee Muqdisho ay si weyn isu bedeshay marka loo eego xilligii hore, isaga oo tusaale u soo qaatay qaraxyadii iyo dilalkii joogtada ahaa ee magaalada ka dhici jiray ka hor inta aysan xilka la wareegin dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fiqi ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in ciidamada xoogga dalka laga weeciyay dagaalka Alshabaab, isaga oo sheegay in ciidamadu ay ku sugan yihiin furimaha hore, isla markaana ay u taagan yihiin difaaca shacabka.

Hadallada Wasiirka ayaa yimid kadib markii siyaasiyiin mucaarad ah oo ku sugan Muqdisho ay dowladda ku eedeeyeen in ciidamada loogu talagalay sugidda amniga shacabka loo adeegsanayo howlgallo ay sheegeen inay sababeen barakac iyo burbur hantiyeed oo ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta dhaliilaha u jeediyay dowladda, isaga oo sheegay in ciidamada xoogga dalka, howlihii loogu talagalay ee la dagaallanka Al-Shabaab mid aan ahayn ay dowladdu u adeegsatay, islamarkaana lagu barakicinayo dadka rayidka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Doodda u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka ka socdaan howlgallo amni, iyadoo labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin habka ciidamada dowladda loo adeegsanayo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed