Wararka ka imaanaya deegaanka Konton ee gobolka Wajeer, oo ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga Kenya ay iska caabiyeen weerar kooban oo ay ku qaadeen maleeshiyaad looga shakisan yahay Alshabaab.
Maleeshiyaadka ayaa rasaas ku furay ciidamada Kenya, kuwaas oo si degdeg ah looga jawaabay, kuna qasbay kooxdii weerarka soo qaaday inay dib ugu laabato dhanka xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen masuuliyiinta ciidamada. Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan askartii roondada ku jirtay ay badqabaan, isla markaana aan wax khasaare ah laga soo sheegin. Weerarka ayaa dhacay fiidnimadii Sabtidii todobaadkan.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay kordheen walaacyada amni ee ka jira xuduudda waqooyi ee Kenya, iyadoo weerarro loo aaneynayo Alshabaab ay dhawaan ka dhaceen Mandheera, Gaarisa iyo Laamu. Saraakiisha ammaanka ayaa ka digaya in weerarradan ay noqon karaan kuwo lagu tijaabinayo awoodda ciidamada, iyadoo laga cabsi qabo weerarro waaweyn oo lagu qaado xarumaha ammaanka.
Dabayaaqadii bishii July 2026, 6 askari oo Kenyan ah ayaa lagu dilay gobolka Mandheera, kaddib markii gaari ay wateen ay haleeshay miino dhulka lagu aaso, waxaana xigay weerar ay ku qaadeen maleeshiyaad looga shakisan yahay Alshabaab.
Kenya ayaa ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011, kaddib weerarro iyo afduubyo xuduudda ka dhacay oo halis geliyay amniga dalka.
HBN ONLINE TV

