WFP oo ka digtay xaaladda gaajo ee sii xumaanaysa Soomaaliya

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay WFP ayaa ka digay in Soomaaliya ay galayso marxalad cusub oo halis ah oo dhanka gaajada ah, iyadoo abaarta, colaadaha, barakaca, hoos u dhaca gargaarka bani’aadannimo iyo kororka qiimaha cuntada iyo shidaalka ay si wadajir ah u sii xumeynayaan xaaladda nololeed ee qoysaska.

WFP ayaa sheegtay in ku dhowaad 3 meelood meel dadka Soomaaliya, oo u dhiganta qiyaastii 6 milyan oo qof, ay wajahaan gaajo ba’an ama xaalad ka sii daran. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in ku dhowaad 2 milyan oo qof ay ku jiraan heerar gaajo oo degdeg ah, iyadoo qoysas badan ay adeegsanayaan dhammaan fursadaha u haray si ay u noolaadaan.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay weli ka mid tahay dalalka dunida ee sida weyn u wajahaya nafaqo-xumada, sida ay sheegtay warbixintu. WFP ayaa saadaalisay in sannadkan 2026 ay nafaqo-xumo ba’an la kulmi doonaan ku dhowaad 1.88 milyan oo carruur ah oo ka yar 5-ta sano, halka ku dhowaad 493,000 oo carruur ah ay u baahan doonaan daaweyn ku saabsan nafaqo-xumada daran.

WFP ayaa sheegtay in adeegyada nafaqada ee naf-badbaadinta ah ay aad u xaddidan yihiin, iyadoo barnaamijyadii looga hortagi jiray nafaqo-xumada laga jaray qaybo badan oo dalka ah. Hay’addu waxay ka digtay in hoos u dhaca adeegyadaasi uu si gaar ah khatar ugu yahay haweenka iyo carruurta nugul.

Dhanka kale, WFP waxay sheegtay inay bilowday Qorshaheeda Istiraatiijiga ah ee Soomaaliya 2026–2030, kaas oo diiradda saaraya badbaadinta nolosha, xoojinta isku-filnaanshaha, taageeridda xalal ay dowladdu hoggaaminayso iyo dhisidda adkeysiga bulshada. Qorshahan ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu horumarinayo amniga cuntada iyo xalal waara oo lagu yareeyo gaajada Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed