Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaannada dugsiyada dhexe iyo sare ee deegaanadooda, iyadoo tirada ardayda ku dhacday imtixaanka dugsiga sare ay noqotay mid aad u yar marka loo eego tirada guud ee imtixaanka gashay.
Sida ay muujinayso shaxda Tirada guud ee ardayda gashay imtixaanka dugsiga sare ama fasalka 12-aad ayaa ahayd 16,078 arday, waxaana ku baastay 16,051, halka ay ku dhaceen 27 arday, taas oo u dhiganta qiyaastii 0.2 boqolkiiba.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan ardaydii farsamada gacanta ee sannadkan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ay wada baasayeen, iyadoo aan la diiwaangelin arday ku dhacday qaybtaas.
Dhanka kale, imtixaanka dugsiga dhexe ama fasalka 8-aad waxaa galay 26,116 arday, waxaana ku baastay 25,860, halka ay ku dhaceen 256 arday, sida lagu sheegay natiijada ay Wasaaradda Waxbarashadu shaacisay.
HBN ONLINE TV

