Pakistan oo la sheegay inay ka fiirsaneyso ciidamo ay u dirto Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Pakistan ay ka fiirsaneyso inay ciidamo u dirto Soomaaliya, xilli labada dal ay sii ballaarinayaan iskaashiga dhinacyada difaaca iyo la-dagaallanka argagixisada.

Qorshahan la sheegay ayaa daba socda booqashooyin heer sare ah iyo heshiisyo difaac oo dhowaan dhexmaray Muqdisho iyo Islamabad. Pakistan ayaa la filayaa inay gacan ka geysato horumarinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, gaar ahaan awooddooda ciidamada dhulka iyo cirka.

Weli ma cadda tirada ciidamada Pakistan ee Soomaaliya iman kara iyo in ay si toos ah uga qaybqaadan doonaan hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish, ama in doorkoodu ku koobnaan doono tababaridda, la-talinta iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale, Wararkan ayaa kusoo aadaya iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowaan muujiyay in Soomaaliya diyaar u tahay inay qaaddo mas’uuliyad weyn oo ku saabsan ammaankeeda, isagoo ciidamada Midowga Afrika uga mahadceliyay sannadihii ay Soomaaliya ka shaqeynayeen, xilli uu socdo kala-guurka AUSSOM.

 

Howlgalka midogwa Afrika ee AUSSOM ayaa wajahaya caqabado dhaqaale oo culus, iyadoo aan weli la hubin maalgelintiisa wixii ka dambeeya sannadkan 2026, taasi oo dhalisay su’aalo ku saabsan mustaqbalka joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Arrimahan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya kaddib heshiis difaac oo dhowaan dhexmaray Pakistan, Turkiga iyo SacuudiCarabiya.

Turkiga ayaa horey uga mid ahaa saaxiibbada ugu muhiimsan Soomaaliya ee dhinaca amniga iyo difaaca, wuxuuna Muqdisho ku leeyahay xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, oo ah xaruntiisa tababarka militari ee ugu weyn ee dibadda. Qorshaha Pakistan ayaa la rumeysan yahay inuu ku saleysan yahay iskaashi laba geesood ah oo ay la leedahay Soomaaliya.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in Sacuudi Carabiya ay gacan dhaqaale ka geysan karto qorshahan, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin heshiis noocaas ah.

Ilaa hadda, dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan midkoodna si rasmi ah uma xaqiijin in ciidamo Pakistani ah loo soo dirayo Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed