Soomaaliya oo dunida u bandhigtay khayraadkeeda, kadib markii ay sheegtay in amniga dalka uu si weyn isu bedelay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegtay in dalka uu galay marxalad cusub oo dhinaca amniga ah, taas oo sahashay in dunida loo soo bandhigo hadda fursadaha maalgashi iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira Kalluumaysiga.

Hadalkan oo uu ku sheegay intii lagu guda jiray shirkii ugu horreeyay ee looga hadlayay amniga badaha Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay amni dalka uu hadda yahay mid la isku halayn karo, isla markaana ay diyaar u tahay inay soo jiidato maalgashadayaasha caalamiga ah.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in dowladda Turkiga ay door muuqda ka qaadatay soo celinta kalsoonida caalamka ee lagu qabay Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka dhiiratay maalgashiga dalka xilli dalal kale ay ka digayeen xaaladda amniga iyo suurtagalnimada qodista shidaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay sugeyso natiijada qodista shidaalka ee ka socota dalka, iyadoo adkeysay in horumarka amniga uu furay fursado cusub oo lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed