Xukuumadda Soomaaliya oo si kulul uga jawaabay eedeymo kaga yimid madaxda Maamulka Puntland iyo hoggaanka Mucaaradka

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabadda xarigga looga jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha ee dalka.

Xamsa ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan faragelin ku hayn deegaannada Puntland, balse ay gudaneyso waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran dalka oo dhan. Wuxuu xusay in dowladda ay xaq u leedahay inay shaqaale iyo ciidan ka qorto meel kasta oo ka tirsan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhaliilay hadallada madaxda Puntland ee ku saabsan tallaabooyinka dowladda dhexe, isagoo yiri: “Goormee noqotay in dowladda Soomaaliyeed ay dalkeeda adeeg gaarsiiso, qof Soomaali ahna shaqaaleysiiso ay faragelin noqoto?”

Waxa kale oo uu sheegay inay jiraan dad oo aan Somaliland ahayn, oo uu ku eedeeyay inay dowladda ku tilmaamayaan mid faragelin ku haysa deegaannadooda.

Sidoo kale, Xamsa ayaa si dadban u weeraray Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxda kale ee ka soo horjeeda dowladda federaalka, isagoo ku eedeeyay inay dano siyaasadeed iyo kursi-jacayl sida uu hadalk u dhigay ka hormarinayaan danta guud ee dalka. Wuxuu sheegay inuusan la hadlayn siyaasiyiin uu ku tilmaamay kuwo ay “shahwada xukunka” madax martay.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, isagoo ku eedeeyay mucaaradka inay diidan yihiin in dalka laga hirgeliyo doorashooyin loo dhan yahay oo shacabka Soomaaliyeed fursad u siinaya inay doortaan hoggaankooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed