Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho kulan hordhac ah kula yeelanaya mucaaradka

Waxaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho kulan hordhac ah kula yeesho maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha mucaaradka ee ku mideysan golaha Mustaqbal Soomaaliyeed, kadib martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyay.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulanka, haddana ilo diblomaasiyadeed oo ka qayb ah ayaa warbaahinta u sheegay in kulankan uu yahay mid arag iyo soo dhaweyn ah, isla markaana lagu diyaarinayo jawiga fadhiga ballaaran ee lagu gorfeyn doono qodobada la isku hayo.

Kulanka ayaa la filayaa inuu ka dhaco hotel ku yaalla gudaha Xayn-daabka Garoonka Aadan Cadde, waxaana ka qayb geli doona xubnaha sare ee mucaaradka, oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan, oo maraya heer xasaasi ah, ayaa saameyn ku yeeshay hawlaha shaqo ee hay’adaha dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, iyadoo kulankan hordhaca ah laga rajeynayo inuu gogol xaar u noqdo wadahadal wax ku ool ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed