Mudanayaasba laba aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maalinkii labaad si adag uga dooday wax ka beddelka Dastuurka Ku-meelgaarka ah ayaa xildhibaannada labada aqal waxay ku falanqeynayeen cutubyo muhiim ah oo loo gudbiyey si dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel loogu sameeyo.
Qodobada la hor keenay Baarlamaanka oo ahaa cutubka 5-aad ee dastuurka KMG, ayaa si gaar ah uga hadlaya maqaamka magaalada Muqdisho iyo su’aasha ah in ay noqoto maamul goboleed gaar ah iyo in kale. Arrintan ayaa dhalisay dood iyo aragtiyo kala duwan oo ka dhex jira mudanayaasha.
“Ajendaha kulanka oo ahaa dooda qodobada cutubka shanaad ee dastuurka Kmg ah, ayaa XIldhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka waxa ay sii amba qaadeen ka doodista cutubka shanaad ee dastuurka” ayaa lagu yiri bogga gaar ah golaha shacabka, iyada oo la tilmaamay in Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare Cali Shacbaan Ibraahim uu soo gaba gabeeyay dooda la xiriirta cutubka 5-aad ee dastuurka Kmg ah, islamarkaana kulanka kan xiga ee dhici maalinta sabtiga ah ay bilaaban doonto dood cutubka lixaad.
Dooddan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka wax ka beddelka dastuurka, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ay cabasho ka muujiyeen sida hawsha dib-u-eegista loo wado.
Dhanka kale, tiro xildhibaanno ah ayaa laga joojiyey ka qaybgalka fadhiyada Baarlamaanka, taas oo iyaduna sii hurisay hadal-heynta ku saabsan hufnaanta iyo wada-jirka geeddi-socodka wax ka beddelka dastuurka.
HBN ONLINE TV

