“Ma aqbalayno aamuska Madaxda” Isimada dhaqanka Puntland

Qaar kamid ah Isimada dhaqanka Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ka jeediyay hadallo adag oo ay si cad ugu diideen aqoonsiga Somaliland, iyagoo dhaliilay aamusnaanta madaxda Puntland ee ku aaddan arrintaasi.

Isimada ayaa sheegay in aysan aqbali doonin wax kasta oo horseedi kara kala goynta dalka, waxayna ku baaqeen in si cad loo cambaareeyo tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa midnimada Soomaaliya.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ahaa isimada hadalka jeediyay ayaa yiri: “Ma aqbalayno aamuska Madaxda Puntland. Haddii ay cambaarayn waayaan kala goynta dalka, waan ka maarmaynaa, rag baa diyaar ah. Madaxweynaha waxaan leeyahay dantiina garta”
Sidoo kale, Dhaqanka ayaa adkeeyay in ay garab taagan yihiin midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka hortagi doonaan tallaabo kasta oo halis ku ah qaranimada dalka.

Masuuliyiinta Puntland ayaa xiriir aan qarsoonayn waxay la leeyihiin xukuumadda Imaaradka Carabta, waxaan halkaasi bilihii la soo dhaafay si is daba joog ah u tagayey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, wuxuuna kii ugu dambeeyey uu ahaa kadib shirkii Mucaaradka ee Kismaayo si ay xaqiijiyeen ilo madax-banaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed