Baarlamaanka Soomaaliya oo gaashaanka u daruuray aqoonsiga Somaliland

Goleyaasha Laba Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay qaraar adag oo lagu diiday aqoonsiga Somaliland, isla markaana lagu cambaareeyay faragelin kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Qaraarkan oo loo qaaday afti Baarlamaan ayaa waxaa u codeeyay 168 xildhibaan oo diiday aqoonsiga Somaliland, halka 2 xildhibaan ay ka soo horjeesteen, sida uu golaha hor akhriyey guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Aaaden Maxamed Nuur Madoobe.

“Kooromkeena wuxuu ahaa 170, aamus ma jiro, laba xildhibaan ayaa diiday – 168 waa ogolaadeen” Guddoomiye Aaden Madoobe

Baarlamaanka ayaa sheegay in qaraarkan uu yahay mid llooga hortagayo xadgudub kasta oo dibadeed, gaar ahaan tallaabooyin lagu tilmaamay kuwo halis ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Baarlamaanka ayaa adkeeyay in Soomaaliya tahay dal mid ah oo aan la kala qaybin karin, iyagoo beesha caalamka ugu baaqay inay ixtiraamto go’aamada iyo madax-bannaanida dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed