Ra’iisul WasaareXamsa Abdi Barre oo goordhow la hadlay Telefeshinka Al Jaseera Arabic ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay si cad u diidan yihiin aqoonsiga ay Israel siiyay Somaliland. Wuxuu xusay in aqoonsigani uu yahay mid aan sharci ahayn, laguna xadgudbayo madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Xamsa ayaa intaa ku daray in Soomaaliya ay tallaabooyin diblomaasiyadeed ka qaaday wadamada saaxiibada iyo hay’adaha caalamiga ah si loo taageero mowqifka Soomaaliya. Waxa uu cadeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay isticmaasho dhammaan hababka sharciga ah ee lagu difaaci karo dhulkeeda iyo midnimadeeda.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in talaabada Israel ay qayb ka tahay qorshe ay ku doonayso inay ku hesho saldhigyo milatari iyo saameyn siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, taasoo khatar ku ah ammaanka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina, Xamsa wuxuu bogaadiyay mowqifka Madaxweynaha Mareykanka ee aan aqoonsanayn Somaliland, isaga oo sheegay in Mareykanku uu ixtiraamayo midnimada Soomaaliya.
HBNONLINE TV

