Soomaaliya oo dalbatay in Jaamacada Carabtu isugu timaado kulan deg deg ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si rasmi ah u dalbatay in Golaha Jaamacadda Carabta uu isugu yimaado kulan degdeg ah, kaddib tallaabo ay sheegtay inay halis ku tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya oo lagu aqoonsaday Somaliland.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka codsatay dalalka xubnaha ka ah ururkaas in ay si wadajir ah uga horyimaadaan tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimada dhuleed ee dalka, gaar ahaan arrinta la xiriirta aqoonsi ay Israa’iil u fidisay waxa loogu yeero “Somaliland”.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay arrintaasi mid si cad uga hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, qaraarrada Qaramada Midoobay, iyo mabda’a Jaamacadda Carabta ee ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah.
Soomaaliya ayaa ku baaqday in Jaamacadda Carabtu ay mowqif mideysan ka qaadato arrintan, islamarkaana ay si cad u cambaareyso tallaabo kasta oo wax u dhimaysa xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda, Jaamacadda Carabta kama aysan hadlin waqtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono kulanka degdegga ah ee ay Soomaaliya dalbatay, balse war horay uga soo baxay ayaa si adag looga soo horjeestay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed