Maxay Suudaanta Koofureed ka tiri “Aqoonsiga Somaliland”?

Dowladda Suudaanta Koofureed ayaa si rasmi ah u muujisay mowqifkeeda ku aaddan arrinta la xiriirta “aqoonsiga Somaliland” ee ay ugu yaboohday Xukuumadda Israa’iil, iyadoo si cad u diidday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mowqifkan ayaa yimid kaddib wada-hadal khadka taleefanka ah oo dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Suudaanta Koofureed, Monday Semaya Kenneth Kumba.

Intii uu socday wada-hadalka, xukuumadda Jubba — oo inta badan lagu xanto xiriirkeeda sare ee Tel Aviv ayna si weyn warbaahinta reer galbeedka farta ugu fiiqayeen inay noqon karto cidda xigta ee aqoonsi ku dhawaaqda — ayaa si buuxda u muujisay garab-istaaggeeda madaxbannaanida, midnimada iyo xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo si aan mugdi ku jirin u cambaareysay fal kasta oo lid ku ah qarannimada Soomaaliya, gaar ahaan isku day kasta oo lagu taageerayo gooni-u-goosad.

Sidoo kale, Suudaanta Koofureed ayaa adkeysay muhiimadda ay leedahay dhowrista sharciga caalamiga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida dalalka, waxayna xustay in ay si buuxda u taageersan tahay mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan difaaca midnimada dalka.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii Dowladda Soomaaliya ay sameysay xiriirro diblomaasiyadeed oo ballaaran oo ay la yeelatay dalalka caalamka, kuwa gobolka iyo ururrada maxalliga ah, iyadoo ka heshay taageero xooggan — Waxaana arinkaan door weyn ka ciyaaray, si furanna u soo baxay labada ciyaaryahan ee gobolka, Masar iyo Turkiga, iyaga oo gacan ka geysatay in dalal badan ay si hore u caddeeyaan mowqifkooda iyo halka ay ka taagan yihiin qaddiyadda Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed