Waxaa isi soo taraya saacad saacadda ka dambeysa wararka iyo falcelinada ka imaanaya dalalka caalamka ee ku aadan aqoonsiga ay maalinta shalay Somaliland ka heshay Xukuumadda Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil ee amar soo qabashada ah uga jarantahay Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ee ICC, Benjamin Netanyahu, waxaana arinkaan si weyn uga falceliyey dalal Islaamka ah, ururada gobolka & kuwa saaxiibka dhow la ah Soomaaliya.
Waxaa ugu dambeeyey dalala Kuwait, Jordan & Ciraaq oo taageertay madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya , iyagoo warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradaha arrimaha dibadda seddexdba lagu sheegay in si buuxda loo diiday ku dhawaaqista aqoonsi is-dhaafsiga ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland. Waxaa lagu tilmaantay arrintaas jebin cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana xadgudub ku ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump oo si gaar ah saaxiibka midig u ah Natenyahu ayaa u sheegay wargeyska New York Post inuusan aqoonsan doonin Somaliland inay noqoto dal, kaddib go’aankii Israa’iil kaso baxaya, wuxuuna si kooban yiri “Ma jiraa qof si dhab ah u og waxa Somaliland tahay?”.
Dowladdaha Shiinaha oo iyaduna ah dal si gaar ah xiriir muddo dheer ula leh Soomaaliya ayaa ku biirtay waddamada taageerray madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Safiirka Shiinaha ee Muqdisho WangYu ayaa shaacisay in wada-hadal degdeg ah uu qadka telefoonka kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, iyada oo wadahadalka lagu xoojiyey taageerada adag ee Shiinaha u hayo madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada qaranka, iyo ilaalinta dhulka.
Sidoo kale, warkan aqoonsiga markii uu soo baxay waxaa si degdeg ah uga falceliyey Turkiga, Masar & Djabuuti oo noqday dalalkii ugu horreeyay ee ka soo horjeestay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Soomaaliland, iyagoo sheegay inay taageersanyihiin madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya , kaddib wadahadal ay telefoon kula yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Dhanka kale, Ururrada Midowga Afirka iyo Jaamacadda Carabta oo bayaano isku mid ah soo saaray ayaa lagu cambaarayay faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Madaxbannaanida Soomaaliya, waxaana waxba kama jiraan ku tilmaameen go’aankaasi, ayna sheegeen in ay si cad uga hor u imaanyo axdiyada kala duwan ee lagu dhowro dalalka xubnaha ka ah Ururradaas & Qaramada Midoobay, waxa ay Netanyahu ugu baaqeen in uu joojiyo faragelinta uu ku hayo Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

