DFS oo saartay war ay kaga falcelisay aqoonsiga Somaliland ee Israel

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si adag u cambaareysay tallaabo ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda qaran, kaddib markii Israa’iil ay sheegtay aqoonsi ay siisay waqooyiga Soomaaliya oo ay ula jeedo Somaliland.

War-saxaafadeed rasmi ah oo caawa ka soo baxay xafiiska golaha wasiira Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay “qayb aan ka go’i karin oo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” isla markaana aanay jirin cid dibadeed oo awood u leh inay wax ka beddesho midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Dowladda Federaalka ayaa hoosta ka xarriiqday in Soomaaliya tahay hal dal oo mid ah, isla markaana aqoonsi, heshiis ama tallaabo kasta oo lagu wiiqayo xaqiiqadaas ay tahay mid “baadil & waxna kama jiraan ah,” marka loo eego sharciga caalamiga ah. Waxay sidoo kale sheegtay in arrimaha la xiriira midnimada iyo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya ay yihiin arrin u gaar ah shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay xuquuqda shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin masiirkooda , waxayna sheegtay inay si adag u diidayso gumeysi, barakicin khasab ah iyo ballaarinta deegaamaynta.
Dowladda ayaa xustay inaysan marna aqbali doonin in Falastiiniyiinta laga dhigo dad aan dal lahayn.

DFS ayaa intaa ku dartay inaysan oggolaan doonin in dhulkeeda laga sameeyo saldhigyo ciidan oo shisheeye ama heshiisyo keeni kara in dalka lagu jiido dagaallo wakiil ah ama colaado shisheeye.

Soomaaliya waxay ka digtay in tallaabooyinka noocan ahi ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan gobolka, isla markaana ay caqabad ku noqon karaan dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha ay ugu yeerto argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Ugu dambayn, DFS ayaa sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay, iyadoo ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay midnimo iyo feejignaan muujiyaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed