Guddiga doorashooyinka oo ka warbixiyey doorashada Muqdsiho oo soo gabagabowday

Goobaha codbixinta ee magaalada Muqdisho ayaa caawa si rasmi ah loo xiray, kaddib markii ay furnaayeen tan iyo 6-dii subaxnimo ee maanta, iyadoo shacabka caasimadda ay dhiibanayeen codkooda doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in la soo xiray dhammaan goobihii codbixinta ee 16-ka degmo ee Muqdisho. Guddoomiyaha guddiga, Cabdirakiim Axmed Xasan, ayaa bixiyay faahfaahinta ugu dambeysay, isagoo habsami u socodka doorashadu ku sheegay inuu ahaa mid wanaagsan.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in intii ay doorashadu socotay aysan dhicin wax shil amni ah oo la diiwaangeliyay, taasoo muujinaysa xaalad amni oo deggan intii lagu guda jiray habraaca codbixinta.

Ku dhowaad nus milyan qof ayaa iska diiwaangeliyay inay codeeyaan, si loo doorto 390 kursi oo golayaasha degmooyinka ah, iyadoo ay tartamayaan ku dhowaad 1,604 musharrax oo ku kala sugan 523 goobood oo codbixin ah oo ku yaalla caasimadda.

Doorashadan, oo ah tii ugu horreysay muddo ka badan 50 sano ee qof iyo cod ah, ayaa lagu tilmaamay tallaabo taariikhi ah, inkastoo ay si weyn u qaadaceen xubno ka tirsan mucaaradka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed