Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah ee ka qeyb qaadan doonta doorashada Khamiista berri lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha, oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta, ayaa sheegay in tirada muwaadiniinta hadda haysta kaarka codbixinta ay ka badan tahay 500-kun oo ruux.
Si kastaba ha ahaatee, tirada dadka ayaa gaartay 503,916 muwaadin, waxaana xusid mudan in tiro ku dhow 415 kun oo ruux ay ka hari doonaan doorashada Gobolka Banaadir, inkastoo tirada guud ee horay loogu diiwaangeliyey ee Muqdisho ay gaareysay 918,890 ruux. Waxa uu tilmaamay in dad badan aysan helin fursad ay ku qaataan kaarka codbixinta.
Guddoomiyaha oo la hadlay BBC-da ayaa yiri: “Doorashada waxaa ka shaqeyn doona shaqaale ku dhow 5 kun, halka 10 kun oo ciidamo ah ay sugayaan amniga. Waxa keliya ee noo harsan waa qalab yar oo bis ah.”
Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay u dareeraya doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyadoo muwaadiniintu si toos ah codkooda u dhiibanayaan. Doorashadan ayaa la sheegay in ay isu diiwaangeliyeen in ka badan hal milyan oo qof.
Dhammaadkii sannadkii hore, Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ah lagu qaban doono muddo toddoba bilood gudahood ah, balse doorashadu dib ayay u dhacday dhowr jeer.
Dhanka kale, mucaaradka Soomaaliya ayaa horay u qaadacay doorashooyinkan, iyagoo ku eedeeyay in dowladda ay dano gaar ah ka leedahay. Waxa kale oo jiray dood la xiriirta xaaladda amni iyo xiriirka aan wanaagsanayn ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamullo ay ka mid yihiin Puntland iyo Jubbaland, taas oo la sheegay in aysan sahli karin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.
HBN Online TV

