Halkee maree doorashada Muqdisho?

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa caawa shaaciyey in si buuxda loo dhammeystiray diyaargarowgii doorashada golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir, iyadoo Khamiista la filayo in ay qabsoonto codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee guddiga, ayaa sheegay in la xiray goobihii laga qaadanayey kaararka codbixinta isla markaana maanta ay ahayd maalintii ugu dambeysay ee ololaha ururrada siyaasadeed.

“Maanta ayaa ku eg ololihii ururrada siyaasadeed, berri oo Arbaco ah waa nasiino, halka subaxda Khamiista la guda geli doono codbixinta golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirariim.

Guddoomiyuhu waxa uu ku dhawaaqay in 1,604 musharrax ay ku tartamayaan 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka kala socda 20 urur siyaasadeed. Musharraxiinta waxaa ka mid ah 1,246 rag ah iyo 361 dumar ah.

Tirakoobka musharraxiinta ayaa muujinaya in 69% ay yihiin dhalinyaro da’doodu u dhaxeyso 20–35 sano, halka 23% ay da’doodu u dhaxeyso 35–50 sano & 8% oo da’da 65 sano ah.

Habka codbixinta ayuu Guddoomiyuhu ku sheegay mid si fudud loo gaari karo, isagoo xusay in 500 oo mitir kasta laga heli doono goob codbixin, si muwaadiniinta haysta kaararka ay u codeeyaan si sahlan.

Dhanka amniga, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Hay’adaha amniga dalka ay si buuxda u sugayaan ammaanka Muqdisho, iyagoo ka amar qaadanaya Guddiga Doorashooyinka, isla markaana magaalada ay ku dhex socon doonaan oo keliya dadka u socda codbixinta, taas oo keeneysa in dhaqdhaqaaqa guud uu noqdo mid xaddidan.

Sidoo kale, wuxuu mar kale adkeeyey in kaarka codbixinta uu yahay shardi waajib ah, islamarkaana aan la oggolaan doonin qof aan haysan kaarka inuu codeeyo.
Ugu dambeyn, Guddiga Doorashooyinka ayaa shaacintada ururada ku xusay in 8 ka mid ah ururrada tartamaya ay musharraxiintoodu ka yar yihiin 10 xubnood, iyadoo doorashadu ay noqon doonto tii ugu horreysay ee noocan ah oo ka qabsoonta caasimadda muddo dheer kadib ama ku dhawaad 60 sano.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed