Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaado ah si isku raacsan u cusbooneysiiyay waajibaadka Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo hal sano oo kale u kordhiyay, taasoo ka dhigeysa in oggolaanshihiisu socdo illaa 31-ka Diseembar, 2026.
Qaraarka oo ay soo gudbisay dowladda Boqortooyada Midowday (UK) ayaa helay taageero buuxda oo ka timid dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.
Waajibaadka la cusbooneysiiyay wuxuu mar kale adkeynayaa taageerada caalamiga ah ee ku aaddan kala-guurka amniga Soomaaliya, dadaallada lagu ciribtirayo Alshabaab, iyo taageeridda xasillinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay kooxaha hubeysan.
Sidoo kale, qaraarku wuxuu go’aamiyay in Howlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNTMIS) uu si rasmi ah u joojin doono dhammaan howlihiisa 31-ka Oktoobar, 2026, taasoo muujinaysa dhammaadka wejiyadii kala guurka iyo wareejinta mas’uuliyadaha.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta u dhexeysa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo ciidamada ammaanka Soomaaliyeed loona xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni guud oo dalka oo dhan ah.
HBN Online TV

