Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ka dhiseyso Talis Duulimaad oo cusub (Air Task Command), qaybna ka ah ballaarinta iskaashiga difaaca ee labada dal, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Difaaca Turkiga Yaşar Güler intii lagu guda jiray kulan qiimeyn sanadle ah oo uu la yeeshay Baarlamaanka Turkiga.
Sida uu sheegay Güler, taliskan cusub wuxuu ka koobnaan doonaa Helikobtaro, diyaarado adeeg iyo diyaarado dagaal, waxaana loogu talagalay in si weyn loo xoojiyo awoodaha hawlgal iyo difaac ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu ku tilmaamay tallaabadan “qayb istaraatiiji ah” oo ka mid ah iskaashiga amni ee muddada dheer ee ka dhaxeeya Ankara iyo Mogadishu, gaar ahaan dhinaca tababarka, amniga iyo howlaha ka hortagga argagixisada.
Turkiga waxay horay ugu leedahay Muqdisho saldhiggeeda milatari ee ugu weyn ee meel ka baxsan dalkeeda, halkaas oo ay kumannaan askari Soomaali ah ku tababarto, iyagoo hoos imaanaya howlgalka TURKSOM. Bishii hore, labada dal waxay kaloo saxiixeen heshiis iskaashi difaac badeed, taas oo sii xoojisay xiriirka amni.
Taliska cusub ee Hawada waxaa la filayaa inuu ka caawiyo Soomaaliya la dagaallanka Alshabaab iyo xasilinta gobollo muhiim ah oo dalka ka mid ah.
Warbixintan ayaa muujinaysa in Turkiga ay sii ballaarinayso saameynteeda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo doorka ay weli ku leedahay inay noqoto saaxiib difaac oo dhow Soomaaliya.
HBN Online TV

