Maxay kawada hadleen Guddiga baarista dhacdooyinkii Boorama & madaxweyne Cirro?

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay yeesheen Guddiga loo saaray Xaqiiqo-raadinta, looguna igmaday inay si madax-bannaan u baaraan una qiimeeyaan dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

­Cirro ayaa guddiga ku boorriyay inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan mabaadi’da xirfadnimo, hufnaan iyo daacadnimo, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in baaritaanku noqdo mid caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo.

Ujeeddada guddigan ayaa ah in si dhab ah loo ogaado xaqiiqada dhacdooyinka ka dhacay gobolka, isla markaana talooyin wax ku ool ah loo soo jeediyo si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida, iyo midnimada bulshada. Guddiga ayaa natiijooyinka baaritaankooda u gudbin doona Madaxweynaha marka ay dhammeeyaan hawshooda.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed