Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo la xiri doono- Maxayse tahay sababtu?

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya (SCAA) ayaa sheegtay in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho hal maalin la xiri doono, taasi oo dhaqan galin doonta khamiista 25-ka December 2025, sababo la xiriira qabsoomidda doorashooyinka deegaanka.

War-saxaafadeedka ay soo saartay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa cadeysay in xiritaanku qeyb ka yahay qorsheyaasha amniga iyo howlaha la xiriira doorashada.

Hay’addu waxay ku wargelisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, shirkadaha duulimaadyada iyo kuwa socdaalka inaan wax duulimaad ah ka jiri doonin garoonka maalintaas. Waxay sidoo kale ku booristay rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha inay qorshahooda ku saleeyaan jadwalkan.

Garoonku wuxuu bilaabi doonaa howlaha caadiga ah marka xayiraadda doorashada laga qaado. Hay’addu waxay sheegtay inay sugaan warbixinno dheeraad ah haddii ay soo baxaan isbeddello ku saabsan jadwalkan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed